|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Iyadoo maalin ka hor uu xil ka qaadis ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde Gudoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Maxamed Dheere, ayaa hadana waxaa soconaya qorshayaal ku aadan sidii Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Cabdi Qeybdiid looga qaadi lahaa xilkiisa.
Jen Cabdi Qeybdiid ayaa ka mid ah saddex ruux ee lagu eedeynayo in ay ka mas'uul yihiin dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho, waxaana warar aan si rasmi ah loo shaacin ay sheegayaan in saacadaha soo socda ay Golaha Wasiirada cod u qaadayaan xil ka qaadistiisa.
Mas’uuliyiin diiday in magacyadooda la xigto ayaa sheegay in xukuumada ay wado dadaalo ay wax uga bedeleyso habka shaqo iyo maamul ee qeybaha kala duwan ee dowlada, kuwaasi oo mas’uuliyiinta maamuleysa ay mudooyin badan xilalkaasi hayeen, laguna eedeynayo in wax socodsiin waayeen.
Warar qaar ayaa sheegaya in qorshayaashan ay dabada ka riixayaan Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga oo soo eedeeyay Cabdi Qeybdiid, iyagoona ku baaqay in xilka ay ka qaadaan, iyadoo wali ay taagan tahay muranka ka dhashay xil ka qaadistii Maxamed Dheere maalin ka hor.
Laakiin isweydiintu waxay tahay hadii Cabdi Qeybdiid xilka laga qaado Maxaa xigi dooona, taas ayaa ah mid dadka dhinacyo kala duwan u fasirayaan, hadii saddexdii shaqsi ee lagu eedeynayay in ay ka mas'uul ahaayeen dhibaatooyinka Muqdisho labo ka mid ah xilalka laga qaaday shaqsiga Saddexaad sida laga yeelayo.
Jen. Darwiish Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida waxaa lagu eedeynayaa inuu dad badan ay xirteen Ciidamadiisa, deetana lacago madax furasho ku sii daayeen dad aan waxba galabsan oo dambiyo aysan laheyn dusha ka saaray, Darwiish waa Jeneraalka gacanta midig ee Madaxweyne Yuusuf, ma sahlanaan doonto in si fudud xilka ay uga qaadaan Nuur Cadde iyo Axmed Cabdisalaan oo is baheystay.
|